Muqdisho-Ayaamaha-Siyaasigan lagu magacaabo Xaaji Maxamed Yaasiin oo ka mid ah Siyaasitiinta Soomaalida oo aan horay looga baran hadalada noocaan ah ayaa Madaxweyne Farmaajo ku tilmaamay inuu yahay qof aan deganeyn xaalad ahaan iyo Caafimaad intaba.

Siyaasigaan weerarka afka ah ku qaaday Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ka sheekeeyey taariikhda Madaxweynaha, isagoo tilmaamay in yaraantiisii lageeyey iskuulka Agoonta lagu xanaaneeyo, isagoo hadana ay noolyihiin aabihiis iyo Hooyadiisa.

“Adoo yar hadii lagu geeypo goob caruurta Agoonta lagu xanaaneeyo adigoo welba aabahaa iyo Hooyadaa ay noolyihiin hadana caruurta ay ku jir dilaan waxaad dareemaysaa ama waxaa ku galayo Cuqdad nafsi” ayuu yiri siyaasiga.

Waxaa kaloo uu tilmaamay in qofka noocaan ah ay ku dhacayso Cadaadis nafsadeed waxaana ka lunto kalsoonida Qofka shaqsi ahaan uu dareemo, taaso oo keenta in qofka markasta isku abuuro cuqdad iyo kalsooni la aan.

Hoos ka daawo Muuqaalka