Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gacanta ku soo dhigay Haweeney gelinkii dambe ee Jimcihii la soo dhaafay Isbitaalka SOS ka xaday Canug yar oo dhalnaa 24 Saacadood.

Maamulka Degmada Hodan & Booliska ayaa la sheegay haweenaydan inay ka soo qabteen Xaafadda Bisha Cas oo ku taal Degmada Hodan, halkaasi oo lagu haayay ilmaha yar.

Ciidamada Booliska ayaa xabsiga dhigay haweenaydaasi, waxaana laga qaaday cunugii yaraa oo lagu celiyay gacanta waalidkii dhalay.

Arrintaan ayaa farxad waxa ay ku abuurtay qoyska uu ka maqnaa cunuga yar ee laga xaday.

Habeenkii Sabtiga uu soo galaayay ayaa cunugaan yar laga soo xaday Isbitaalka Soos ee Degmada Heliwaa, xilli haweenayda ay iska dhigeysay ehelada reerka wiilka dhalay.