Muqdisho-(Ayaamaha)-Mudooyinkii dambe waxaa taagneyd cabasho ka imaaneysay qaar ka mid ah ciidamada Dowladda Soomaaliya,kuwaas oo ka cabanayay mushaar la’aan, hayeeshee Ra’iisul Wasaare kheyre uu sheegay in Ciidamada la diiwaangeliyey ay qaateen mushaarkooda.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qiray in mudo dhowr bilood ah aysan ciidamadu qaadan wax mushaaraad ah, hayeeshee labadii sano ee uu Madaxweynaha yahay ay bixiyeen mushaaraadka Ciidamada.

Sidoo kale Madaxweynaha isaga oo ka hadlayay dagaalka dowladda ay kula jirto Ururka Al-Shabaab ayuu ku dhaliilay saraakiisha qaar inaysan fulin balantii ay kula galeen in mudo laba sano ah dalka uga saarayaan Al-Shabaab.

Hayeeshee hadalka Madaxweyne Farmaajo ayaa kusoo aadaya xilli weli ay taagan tahay cabashada kasoo yeereysa Ciidamada, waxana Ciidamada ku sugan degmada Baraawe ay dhawaan sheegeen inay furumaha kasoo baxayaan hadii aan 48 Saacadood gudahood loo soo jawaabin.