MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararka naga soo gaaraya degmada Boondheere ee gobolka Baadir ayaa sheegaya in halkaasi uu dab ka ka kacay.

Dabkaan oo ahaa mid xoog badan ayaa daqiiqado kahor ka kacay goob lagu aar-yeeyo taayarada gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee loo yaqaano Goomiistaha oo ku taalla agagaarka Taaladda Daljirka daah-soon.

Dabka ayaa ahaa mid muddo kooban socday, isla markaana dadaalo dheeraad ah oo la sameeyay ayaa lagu guuleystay demintiisa.

Qiiq iyo uuro Madow ayaa Cirka isku shareertay, taasi oo laga arkayay Degmooyinka ku teedsan Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir, waxaana goobta uu dabku ka kacay gaaray gaadiidka dab demiska Maamulka Gobolka.

Waaxda dab demiska iyo dadweyne farabadan ayaa ku guuleystay deminta dabka, isla markaana waxaa gabi ahaan burburtay goobtii Goomiistaha aheyd ee dabku qabsaday.