Kismaayo-Ayaamaha-Qaar kamid ah Xildhibaannadii hore ee Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in dowladda Federaalka ay u gudbiyeen dacwad ka dhan ah Axmed Madoobe.

Axmed Ismaaciil oo kamid ah Xildhibaanada Dacwada ka gudbiyey ayaa sheegay in dacwadaas ay la xiriirto lacago farabadan oo ahaa mushaarkooda oo uga maqan Maamulka Jubbaland,kuwaas oo aysan qaadan muddo laba sano ah.

Xildhibaan Axmed Ismaaciil ayaa sheegay in dacwadaas ay u gudbiyeen hay’adaha kala duwan ee Dowladda iyo Maxkamadda sare,isla markaan ay ka maqan tahay lacag ku dhow 70 Kun oo Dollar.

Waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyey in Hay’adaha Dowladda Federaalka ay la xisaabtami doonaan Madaxwyenaha Jubbaland,isla markaana ay ka heli doonaan xaquuqdii ay ku lahaayeen.

Sidaan oo kale ayaa dhowr jeer oo hore u sheegeen Xildhibaano ka tirsanaan jirey Baarlamaankii hore ee Jubbaland in hogaganka Maamulkaas gaar ahaan Axmed Madoobe ay uga maqan tahay lacag farabadan balse uusan wax jawaaab ah ka bixin.