MUQDISHO-AYAAMAHA-Mid ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee dega gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa qoraal cabasho ka dhan ah xildhibaanka u metela golaha shacabka waxa ay u gudbiyeen madaxda sare ee dalka,golaha shacabka,golaha sare,guddiga doorashooyinka iyo madaxda dowlad goboleedka Hirshabelle.

Qoraal uu ku saxiixnaa Ugaaska beesha Jidle Ugaas C/naasir Ugaas Nuurre ayaa lagu sheegay in xildhibaan Maxamed Cabdulahi Xasan”Nuux” uu doonayo in kursiga deegaan doorashada beesha Jidle uu ka wareejiyo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

“Odayaasha, waxgaradka, aqoonyahannada, haweenka iyo dhallinyarada Beesha Jidle Gugundhabe oo uu ugu horreeyo ugaaska Beesha Jidle, Ugaas Cabdinaasir Ugaas Nuurre Ugaas Cusmaan, oo maalmahan kulamo isdaba-joog ah lahaa ayaa waxay ka digayaan go’aan uu kaligiis ku yahay shakhsiga hadda ku matala beesha Golaha Shacabka”ayaa lagu yiri qoraalka.

“ Xil: Maxamed Cabdullahi Xasan (Nuux) oo isku dayaya in deegaan-doorashada kursiga u wareegsado meel uu filayo inuu kaga shuban karo codadka doorashada 2020/21.”