Muqdisho-Ayaamaha-Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlay kulankii shalay su’aala weydiinta ahaa ee fadhiga golaha shacabka ay ku hor tageen wasiirrada amniga iyo duulista hawada ayaa warbaahinta Qaranka ku eedeeyey inaysan sidii wax u jireen u soo tabin, maadaama iyaga oo kaliya warbaahinta looga ogolaa kulanka.

Fiqi oo u waramayey Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay faaf reeb lagu sameeyey su’aalihii ku wajahnaa wasiirrada iyo sidoo kale jawaabihii ay bixinayeen, isagoo xusay in xildhibaanadii muxaafidka ahaa oo kaliya  su’aalahoodii la baahiyey intii kalena la iska reebay, waxuuna ku goodiyey inay taas kula xisaabtami doonaan.

“Kulan adag oo taariikhi ah ayuu ahaa oo sidaa ogtihiinba loogu yeeray wasiirada amniga iyo duulista hawada oo lagu weydiinayey su’aalo tira badan oo shacabku ay qabaan oo howlahooda la xariira.

“Waxaa la weydiiyey xubnahaas su’aallo badan oo shacabka Soomaaliyeed ka dhex guuxayey, gaar ahaa cuna qabateyntii Kismaayo, madaxweynayaashii safaradooda laga celiyey iyo howlaha amniga oo dhan, sida dilka guddomiyihii gobolka iyo kii gabadhii Almaas Elman ayaa la weydiinayey, waxaana ayaan darro ah in warbaahintii qaranka oo ku shaqeynaysa canshuurtii shacabka aysan maanta baahin kulankaas muhiimka ah” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.