Dad ka qaxaya fulkaane ka qarxay Koongo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dawladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo ayaa bilowday qorshe dadka lagaga daad guraynayo magaalada bariga dalkaas ku taal ee Goma oo fulkaani weyni ka qarxay.

Daad dhamac dhagax dhalaalay ah ayaa ka soo rogmaday buurta Nyiragongo oo hollaca ka baxayaana magaalada ku shareeraay daruuro midab cas ah, waxaana magaaladaa ku nool laba milyan oo qof.

Kumanaan qof oo argagaxsan ayaa magaalada lug kaga baxay.

Buurta fulkaanuhu ka qarxay waxay magaalada u jirtaa 10km, markii ugu dambaysay ee halkaa fulkaane ka qarxaana waxay ahayd sannadkii 2002 oo waagaa ay ku dhinteen 250 qof 120,000 oo qofna ku guryo beeleen.

Maamulka Rwanda ayaa sheegay in qiyaastii 3000 oo qof ay durba xadka ka soo talaabeen. Dad kale oo magaalada Goma degan ayaa iyaguna u qaxay dhulka taagga ah ee galbeedka magaalada.