Ciidamada amaanka Dowladda Soomaaliya  ayaa soo xiray dadkii deganaa guri ku yaallo Degmada Hawlwadaag, kaasi oo xalay darbigiisa ay ka qaraxday miino aan gaysan Khasaare dhimasho iyo dhaawac..


Saraakiisha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in la soo xiray laba dumar iyo saddex rag ah oo mid ka mid uu yahay ninkii deganaa qolkii darbigiisa uu qaraxa ka dhacay.

Qaraxa ayaa wuxuu ku qarxay darbiga guriga reerka, balse baaris lagu sameynaayo in reerka guriga ay wax ka ogaayeen qaraxaasi iyo in kale.

Gaadiidka Ciidanka Dowladda ayaa la sheegay inay mari jireen Goobta qaraxan la dhigay, sidoo kalena waxaa la sheegay in goobtaasi ay ka agdhaw dahay Koontarool Ciidamada Booliska gaadiidka ay ku baaraan.

Sikastaba Magaalada Muqdisho ayaa maalmahan dambe, waxaa ka taagan falal amnidaro wayn, xilli wadooyinka Magaalada ay dhooban yihiin Ciidamo Boolis ah oo dhawaan tababar loo soo xiray..