GAROWE-AYAAMAHA-Deegaanada Puntland ayaa laga soo sheegayaa in tirada dadka qaba COVID-19 ay korortay taasoo gaartay 192 ruux.

24 kii Saac ee lasoo dhaafay waxaa laga baaray 32 qof waxaana xanuunka laga helay 7 qof, waxaana soo bogsaday 3 qof degaanada Puntland.

7 qof ee xanuunka laga helay 6 waa rag, halna waa Dumar, waxaana da’doodu udhaxaysaa 27-70 Jir.

Dadka xanuunka laga helay ayaa kala jooga 3 qof Bosaaso, 3 qof Galkacyo iyo hal qof Garowe

Tirada guud ee dadka xanuunka laga helay Puntland ayaa hada gaartay 192 qof, waxaa u dhintay 6 qof halka bogsashasa la diiwan geliyey ay tahay 19 qof.