Muqdisho-Ayaamaha-Dawlada Soomaaliya ayaa amartay in la xiro Waddooyin Halbowle u ahaa isku socodka Dadka iyo gaadiidka Magaalada Muqdisho.

Ganacsatada inta udhaxeysa Dabka ilaa Isgoyska Sayidka oo Shirkado iyo Xarumo kale ku yaallaan waxay sheegeen inay qarka usaaran yihiin inay xiraan goobahooda.

Ciidanka Dawlada ayaa xiray Isgosyka Dabka,waxaana cariiri badan uu ka jiraa Isgoyskaasi Maalmahaan dambe.

Tan iyo Markii 8-dii Bishaan Qarax uu ka dhacay Koontaroolka Gaadiidka lagu hubiyo Ee Sayidka waxaa la xiray Isgoyska Dabka.

Sidaas oo kale Ciidamada Amniga ayaa dhanka Isgoyska Bakaaraha marka Dalcada Dabka loo soo socdo diiday oo xanibay inay Gaadiidka soo gudbaan.

Go’doonkani Cusub waxa uu saameyn xoog leh ku yeeshay Dadka ganacsiga ku leh Waddooyinkaasi la xanibay iyo wadayaasha Bajaajta iyo BL-leyda Xamar.