Gaalkacyo-(Ayaamaha)-Siddeed Qof ayaa ku geeriyootay tiro intaa ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal Maanta ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Dagaalkan oo dhaxmaray Laba malleeshiyo Beeleed ayaa sababay muran ku saabsan Dhul ku yaala nawaaxiga Xabsiga Magaalada Gaalkacyo, kaas oo in dhowaalaba halkaasi ka taagnaa, iyadoo ay iska hor immaadkanina ka digayeen wax garadka Magaalada.

Ma jirto illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Magaalada Gaalkacyo ee Puntland, maaddaama goobaha lagu dagaalamay ay weli isku hor fadhiyaan Labadii Malleeshiya Beeleed.