Dagaal Beeleedyadii Dhawaan Ka Dhacay Beledweyne Oo Xal Laga Gaaray.

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Wafdigii Dowlada Dhexe iyo Maamulka Hirshabeelle ee Maalmahan Baladweyne u Joogay Xalinta Dagaal Beeleedyadii Dhawaan Ka dhacay Duleedka Waqooyi ee Baladweyne ayaa Maanta Si Rasmi ah usoo Afjaray Colaadii Taagneyd.

Tuulada Baladu Nuur oo aheyd Halka ay Labada Beelood isku Heysteen Lahaanshiyaheeda iyo Tuulooyinka Lugbari iyo Dabaan oo iyagana Kamid ahaa Tuulooyinkii Dagaaladu Saameeyeen ayaa Dib Loodhigay Mudo Lix Bil ah in Ladhiso ama Ladago.

Odoyaasha Labadan Dhinac ayaa Ladhaariyay ineey Ka Go antahay Nabad Waarta oo Dhex Marta Labada Beelood.

Dhanka Kale Dadkii Kabarakacay Gudaha Magaalada Baladweyne ayaa Loogu Baaqay ineey Dib Guryahooda ugu Soo Noqdaan.