Dagaal Culus Oo Ciidamada Itoobiya Iyo Al-Shabaab Ku Dhexmaray Gobolka Baay

GOBALKA BAAY-AYAAMAHA-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegayaan in uu halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Gobolkaas iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka dhacay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba,kadib markii Al-Shabaab ay wadada u galeen kolonyo ay la socdeen Ciidamada Itoobiya oo ka baxay degmada Buurhakaba kuna sii jeeday Magalada Baydhabo.

Wariyeyaal ku sugan Magalada Baydhabo ayaa waxa ay soo sheegeen in dagaalka ka hor la maqlay jug xoogan taas oo loo maleynayo inay tahay qarax,sidoo kalena halka lagu dagaalamay oo 20km u jirta Magalada Baydhabo uu ka dhacay dagaal xoogan.

Weli macada khasaaraha rasmiga ah ee labada dhinac dagaalkaas kasoo gaaray,hayeeshee Al-Shabaab ayaa warar ay ku qoreen Baraha Internet-ka waxa ay ku sheegeen in ay Gaadiid ku gubeen weerarkaas jidgalka ahaa,isla markaana ku dhowaad 40 askari ay ku dileen.

Warar kale oo aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Itoobiya rasaas farabadan oo ay fureen ay ku waxyeeloobeen dad Xoolo dhaqato ah oo ku sugan deegaanka lagu dagaalamay ee u dhaxeeya Magaalooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba ee Gobolka Baay.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan weerarkaan lagu qaaday saakay kolonyo ka tirsan Ciidamada Itoobiya oo ka baxay degmada Buurhakaba kuna sii jeeday Magalada Baydhabo.

Xaalada deegaankii lagu dagaalamay ayaa lagu soo waramayaa in xiligaan uu yahay mid degan,isla markaana dadkii ku noolaa qaarkood ay sheegeen inay cabsi soo wajahday xilligii uu dagaalka dhacayay.