DH/MAREEB-AYAAMAHA-Magaaladda Dhuusamareeb ayaa laga soo warayaa in dagaal kooban oo u dhexeeya ciidanka Dowladda iyo Al Shabaab uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Miir-dugul oo khiyaastii 25 KM dhanka Koofur Bari ugu began caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Ciidamo ka tirsan guutada 15 aad qayta 21 aad ee ciidanka Xoogga dalka oo ka baxay magaalada Dhuusamareeb kuna sii jeeday deegaanka Miir-dugul ayaa waxaa wadada ugalay xubno ka tirsan Al Shabaab taas oo keentay in dagaal kooban uu halkaasi ka dhaco, waxaana ciidanka Dowladda oo dib u soo gurtay fariisimo ka samaystaan duleedka magaaladda Dhuusamareeb sida saraakiisha Dowladda u xaqiijiyeen Mustaqbal.

Ciidanka Dowladda oo ah kuwii Ahlusunna ee ku biiray ciidanka Xoogga dalka ayaa saraakiisha hoggaaminaysa ayaa waxa ay  sheegeen in dagaalka oo koobnaa uusan dhankooda wax khasaaro ah ka soo gaarin balse ay dib u soo gurteen.

“Waxa aan ka baxnay magaaladda Dhuusamareeb marka aan ku sii dhownahay deegaanka Miir-dugul ayaan aragnay Xubno ka tirsan Al Shabaab dagaal ayaa na dhexmaray ka dibna taliska ayaa na amray in aan dib u soo gurano” ayuu yiri sarkaal ka gaabsaday in magiciisa loo adeegsado warbaahinta la hadlay Mustaqbal.

Sarkaalka ayaa intaa ku daray in  ciidanka xoogga dalka ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wadaan deegaanada dhaca bariga Bariga Dhuusamareeb oo ay ku suganyihiin dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab.

Al Shabaab dhankooda wax wara kama soo saarin dagaalka ka dhacay deegaanka Miir-dugul ee gobolka Galgaduud.