Dagaal ka dhacay Jaziira iyo maamulka gobolka Banaadir oo gaaray (Sawirro)

Iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya iyo maleeshiyaad hubeesan ayaa ka dhacay deegaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho.

Iska hor imaadka ka dhacay Jaziira kadib ayaa waxaa halkaasi gaaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska, Nabadsugidda iyo Milatiriga Soomaaliya si ay ugu kuurgalaan xaalada Jaziira.

Cumar Finish ayaa laamaha Amniga kaga Mahadceliyay sida ay uga dhiidhiyeen in deegaankaasi lagu dhibaateeyo shacabka oo dhac loogu geysto, isaga oo sheegay in aan marnaba la aqbali doonin dhibaateynta Shacabka degan iyo kuwa taga deegaanka Jaziira oo inta badan dalxiis loo tago.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo taliyaasha ciidan ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee deegaanka Jaziira ,iyagoona la kulmay saraakiisha ciidanka ay halkaasi horey u joogay.