Wararka ka imaanaya deegaanka Dhaadaar ee gobolka Bari ayaa lasoo sheegaya in saaka waaberigii uu dagaal ku dhex maray  Al-Shabaab iyo Daacish tuulada Afgaraar ee Gobolka Bari.

Dadka degan deegaanka ayaa waxay warbaahinta u sheegay in ay maqlayeen dhawaaqa rasaasta ay is weydaarsanayan labadan dhinac.

Saaka subaxnimadii hore ayaa lagu soo waramayaa in dhinacyadii ku dagaalamayay ay jareen isgaarsiinta deegaannadaas, balse dadka ku nool deegaanada kale ee ka durugsan goobaha uu dagaal ka socda ayaa sheegaya inay maqlayeen dhawaqa rasaasta iyo hugunka qoryaha garbaha laga tuuro.

Imbadan ayay dagaalameen Kooxda Daacish iyo Al shabaab waana markii saddexaad ee uu dagaal noocaan ah ku dhex maro agagaarka deegaanka Dhaadaar labadan dhinac.