Degmada Cadale-{Ayaamaha}-Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan tuulooyin hoostaga Degmada Cadale ee Gobolkaas ayaa waxaa ay sheegayaan in sasakay waaberigii hore halkaasi uu ka qarxay dagaal xoogan oo u dhexeeya laba Maleeshiyo beeleed.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray labada dhinac.

Ma jiraan wali wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Gobalka Shabeelaha dhexe.

Dagaalka u dhexeeya labada maleeshiyo beeleed ayaa waxa uu taagan yhaay muddo 2 sano ah,waxaana horey u jiray dadaalo lagu doonayo in lagu dhexgalo labada dhinac,hayeeshee laguma guuleysan.