MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay in cid kasta oo isku dayda in ay leexiso ama ka hortimaado hanaanka doorashooyinka Qof iyo cod ah oo ka dhaca Soomaaliya ee ay ka shaqeynayaan Guddiga Madaxabannaan Doorashooyinka Qaranka ay tahay in laga difaaco dalka, meelna looga soo wada jeesto.

Dhanka kale Cabdiraxmaan Cabdi shakuur ayaa sheegay in xildhibaannadii markii hore muddo kororsi Villa Somalia la doonayey, markii 13-kii kursi la sheegay ayey qayliyeen, halka qoladii muddo kordhinta diiddaneed 13-kursi lagu aamusiyey.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Villa Somalia iyo Guddoonka Baarlamaanka ee 13-kursi lagu beddelanayo 13 bilood. Waana in Xisbiyada, Dowlad Goboleedyada iyo Aqalka Sare iska kaashadaan sidii shirqoolka muddo kororsiga looga hortegi lahaa, dalkana qalalaase looga badbaadin lahaa.