Ayaadoo maalmihii lasoo dhaafay Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Brundi ay  kulan wada qaateen ayaa hadana waxay ku baaqeen Kulan kale oo deg-deg ah oo looga arrinsanayo ka bixitaanka Ciidanka Burundi ee Howlgalka ku jira ka hor dhamaaadka Bishaan Febraayo.

Madaxda Midowgaa Africa ayaa si tartiib-tartiib ah waxaa uu u yareeynayaa Ciidanka ka jooga Soomaalia waxaana qorshuhu yahay in dhamaadka Bishaan dalka ay ka baxaan 1000 Askari oo kamid ah Ciidanka Brundi ee jooga dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo Booqasho ku tagay Bujumbura ayaa la kulmay dhigiisa Brundi Pierre Nkurinziza  waxayna muujiyeen Walaaca ay ka qabaan in saameeyn aan wanaaagsaneeyn ay ka dhalato Ciidanka AMISOM ee ka baxaya Shabeelaha dhexe.

“waxaan ku baaqeeynaa kulan deg-deg ah in ay yeeshaa wadamadda Ciidankoodu ka mid yahay AMISOM si dib loogu eego go’aanka” ayuu yiri Pierre Nkurunziza.

Wargeeyska the Sun daily oo soo xiganaya ilo-wareed uusan magaciisa sheegin in Ciidanka Brundi ay Soomaaliya ka baxayaan inta u dhexeeysa 21 iyo 26 ka February.

Dalka Burundi ayaa si cad u diidan in Ciidankeeda Soomaaliya laga soo saaro waxaana ay ku doodeeysaa in Dalalka AMISOM ka mid ay u sinaadaan Ciidanka laga saarayo Soomaaliya.