Saraakiisha ciidanka dawladda Maraykanka ayaa ka baaraan degayada sidii qaar ka mid ah xubnaha argagixisada ah ee lagu soo qabtay dalka Siiriya la geeyo xabsiga Guantanamo Bay, kaas oo ay furnaanshihiisa si weyn loogu kala aragti duwan yahay dalkan Maraykanka.

 

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Brack Obama ayaa isku dayey inuu xabsigaasi xiro, hase yeeshee Donald Trump oo beddelay ayaa taagersan inuu frunaado, weliba maxaabiis kale lagu soo xiro.