Daraawalka Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo isku dhiibay Al-Shabaab

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa maalmahan warbaahinta iyo baraha bulshada dhex socday cod la sheegey inuu yahay mid ka mida shaqaalaha Baarlamanka, darawalna u ahaa guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Maxamed Mursal Sheekh Abdirahman oo u galay ama ku biirey Al-Shabaab.

Ninka oo lagu Magacaabo Xuseen ayaa Al-Shabaab ay soo bandhigeen cod ay ka duubeen, waxaana jiritaanka Ninkaas xaqiijiyay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxames Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo uu darawal u ahaa.

Wuxuu sheegay guddoomiye Mursal Xuseen in uu ahaa Nin katirsan Wasaaradda Gaashaandhigga loona tababaray darawalnimo, balse uu aaminsan yahay in jaceyl uu u qabo fikirkooda uusan ugu biirin Al-Shabaab.

Hay’adaha Amniga dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin, isla markaana wax faah faahin ah ka bixin Xuseen oo kamid ahaa Darawada Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ahna Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.