Darawal Soomaali ah oo lagu dilay Mareykanka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa xaafad ku taala waqooyiga magaaladda Minneapolis ee dalka Mareykanka lagu dilay Nin darawal Soomaali ah oo waday baska iskuulka, iyada oo dadkii ka dambeeyay dilkiisa ay baxsadeen.

Darawalkan ayaa madaxa laga toogtay isaga oo wada baska iskuulka saddex carruur ahina ay baska u saaran yihiin.

Toogashadda loo geystay darawalka baska iskuulka waday ayaa ka dhacday meesha ay iska jaraan labadda jid ee 37th Avenue iyo North Fremont Avenue ee waqooyiga magaaladda Minneapolis.

Ciidamo katirsan Booliska Magaalada Minneapolis ayaa tegay Goobta uu weerarka ka dhacay, kuwaas oo baadi goob u galay inay gacanta kusoo dhigaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ku batay weerarada ka dhanka ah Soomaalida, iyada oo la sheegay in weeraradaas ay ka dambeeyaan qaar kamid ah Soomaalida.