MUQDISHO-AYAAMAHA-Dawlada Soomaaliya ayaa ka hadashay Diyaaradii shalay Hawada laga Celiyey,taas oo la sheegay inay Aheyd mid Sifo aan laga warqabin kusoo gashay.

Wasiirka Gaadiid iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa ka hadlay Diyaarada la hor istaagay.

Waxa uu Wasiirku Amaanay doorka Shaqada Maamulka Hawada iyo Sida ay yihiin kuwo dedaalkooda kordhiyey.

Wasiir Oomaar ayaa sheegay in ay Awood buuxda Dawlada Soomaaliya uheshay inay Maamulato Hawadeeda,islamarkaana ay dib usoo celin doonaan Diyaaradii Soomaali Airline.