Muqdisho-Ayaamaha-War kasoo baxay Dawlada Soomaaliya ayaa Shaqada looga joojiyey Labo Hay’adood oo Caalami ah,kadib khaladaad ay sameeyeen sida lagu Eedeeyey.

Labo Warqad uu maanta soo saaray kuna Saxiixan yahay Agaasimada guud Ee Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Al Cadaala ayaana Shaqada Hay’adahaan lagu joojiyey.

Labada Hay’dood ayaa kala ah: Perspective Media iyo Media Ink oo dhanka Fariimaha iyo Barnaamijyada Arimaha Bulshada soo tebiya.

Media Ink ayaa waxay isku badeshay Hay’adii Free Press Unlimitted,fadhigeedu waxa uu yahay Dalka Holland.

Media Ink ayaa Xarun ku leh Magaalada Hargeysa Ee Caasimada Soomaaliland,taas oo barnaamijyada ay diyaariyaan laga sii daayo Idaacadaha Soomaaliya Qaarkood.

Sidoo kale Hay’ada Perspective Media ayaa Xarun ku leh Nairobi,Labada Hay’adoodna Arimaha Warbaahinta iyo Barnaamijyada bulshada iyo Wacyi gelinta ayey ka shaqeeyaan.

Dawlada Soomaaliya ayaa ku sheegtay in Sharciga Warbaahinta Dalka ay ku Xad gudbeen sidaa awgeedna loo joojiyey Shaqadii ay dalka Ka hayeen,inkastoo Warqadaha Shaqo joojintooda lagu cadeynin.