Kismaayo-Ayaamaha-Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen doorashada Xubin ka bannaan Golaha Shacabka Soomaaliya taas oo uu baneeyey Ex-Xildhibaan Saqar Ibraahin Cabdalla oo kamid ahaa dadkii ku geeriyooday Weerarkii lagu qaaday Xarunta Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Somalia.

Xildhibaan Sawaqar ayaa geeriyooday sidaa awgeed waxaa Booskiisa la raadinayaa qofkii geli lahaa,iyadoo Beeshiisa ay qof ka mid ah soo saaran doonto.

Gudiga Doorashada Madaxa Banaan Ee Soomaaliya ayaa Murashaxiinta Kursigaas utaagan ka dalbadeen inay Araajiyadooda soo gudbiyaan 23 Bisha oo sabtida ka bilaabaneysa ilaa 30 Bishaan.

Gudiga ayaa ku wargeliyey Odayaasha Dhaqnaka ee ku jira 135 Oday inay soo gudbiyaan liiska 51 Ergo Doorashada xubinta Xildhibaan ee uu baneeyey Ex-Xildhibaan Saqar Ibraahin Cabdalla oo sidoo kale ahaa Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha.

Hoos ka Akhriso Qoraalka Guddiga Doorashada.