MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowlada Somalia ayaa Warqada Ruqsada Ee Shaqada kala Laabatay Labo Diyaaradood oo laga leeyahay Dalka Kenya, waxa la sheegay in diyaaradahaa oo si Sharif daro ah Dalka Ku soo Geliyey Qaad.

Waxa la sheegay in diyaradahaan ka been sheegay Howlo ay ka fulineysay Gudaha Soomaaliya iyagoo Sheegayey in ay Sidaan Gurmad Daawo ah.

Shirkadaha Diyaaradaha leh ayaa Lagu sheegay in ay jabiyeen amarkii ahaa Xakameynta Dowlada Somalia ee Duulimaadka Hawada.

Ilo Wareed ayaa u xaqiijiyey Idaacada VOA laanta Af Soomaaliga in diyaarada BUFF AIR iyo SILVERSTONE sharciyada lagala Laabtay

Sidaasi oo kale, dawladda Soomaaliya waxay liisankii duulimaadyada Soomaaliya kala laabatay Silverstone Air Services oo isla sidaasi oo kale lagu eedeeyey inay qaad si sharcidarro ah kusoo gelisay waddanka iyo inay ku xadgudubtay xayiraadihii ay soo rogtay dawladda Soomaaliya cudurka COVID-19 darteed.

Ilo wareedku waxay intaasi ku dareen in diyaarad ay leedahay shirkaddaasi ay 31-kii May ka degtay magaalada Jawhar oo ay gaysay shixnad qaad ah iyadoo hawada Soomaaliyana kusoo gashay inay siddo daawo.

Dawladda Kenya iyo shirkadaha la mamnuucay ayaan weli ka hadlin tallaabadan ay qaadday dawladda Somaaliya.