Kismaayo-Ayaamaha-Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyey inay abaabushay Afgembi ay la rabto Dawlad Gobolleedka Jubbaland.

Madaxweyne kuxigeenka 1aad Ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa waxa uu sheegay in ay ka war hayaan Qorshe Madaxtooyada rabto Afgembigaasi.

Inqilaabkaasi ayuu sheegay inay Dawlada Federaalka Soomaaliya u adeegsaneyso Ciidamada Itoobiya.

Qeybo ka mid ah Deegaanadii Gobolka Gedo oo ay Jubbaland xukumeysay ayaa waxaa dhawaan ay ku dhawaaqeen inay ku biireen Dawlada Federaalka kadib Cadaadis maamuladii deegaanadaasi Itoobiya saartay.

Wareysi uu siiyey Idaacadaha Jubbaland qaarkood ayuu Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in ka feejigan yihiin Damaca Afgembiga la sameyn rabo.

Sayid Aadan ayaa hadda Amnigiisa waxaa sugaya Ciidamada Kenya isagoo labo todobaad ku dhaw ku xaniban Mandheera markii loo diiday inuu galo Deegaanada Qaar Gobolka Gedo.