Muqdisho_(Ayaamaha)-War Goordhow nasoo gaaray ayaa waxaa ay sheegayaan in uu qarax Ka Dhacay degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.
Qaraxaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa nooca Miinada dhulka lagu aaso,isla markaana uu ku qarxay inta u dhexeeysa Isgoysyada Bakaaraha iyo Howlwadaag ee Magalada Muqdisho.
Dad goobjoogayaal ah ayaa waxay sheegayan in qaraxa, kadib la maqlay rasaas ay fureen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya.

Wali lama oga Khasaaraha ka dhashay qaraxaas ka dhacay Magaalada Muqdisho.