Warar hada naga soo gaaray gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in abaanduulihii guutada 12-ka April ee ciidanka xoogga dalka uu qarax miino lagu dilay.

Korneyl Cabdi Salaan Aadan Kurjow, ayey wararku sheegayaan in uu ku geeriyooday qaraxa miino oo haleelay gaari uu la socday.

Cabdi Salaan ayaa xilkan ka beddelay Jeneraal Jamaame oo isaguna qarax miino ku dhintay lixdii December ee sanadkii la soo dhaafay ee 2018.

Jeneraal Jamaame waxaa weerarkaas kula dhintay Jeneraal Cumar Dheere oo ahaa taliyaha guutada 12-ka April ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Gaashaanlle sare Cabdi Salaan Aadan Kurjow ayaa xilkan loo magacaabay 26-kii Bishii December 20 maalmood kaddib geerida abaanduulahii uu isaga beddelay ee Jeneraal Jamaame lagu magacaabayay.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay dilkan, inkasta oo loo badinayo kooxda Al-Shabaab oo gobolka ku xooggan