Wararka naga soo gaaraya dalka Suudan ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidanka Milatariga Suudaan ay xilka ka tuureen Madaxweynaha Suudan Cumar Xasan Al-Bashiir.

Warbaahinta dalalka Carabta ayaa tabisay in Ciidanka ay ku dhawaaqeen tilaabooyin muhiim ah oo ka dhan Madaxweynaha Suudan ka dib markii ay sheegeen in dadka rabshaddaha waddo ay diideen in ay ka hortaggaan Xarunta Ciidanka xoogga.

Ciidamo badan ayaa la wareegay xarunta Madaxtooyadda ee uu ku sugan yahay Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir.

Saraakiil waa weyn oo ka mid ah kuwa ku dhow Madaxweynah Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa la xiray.