Muqdisho-Ayaamaha-Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay war ka soo saaray qaraxii dadka badan lagu laayey ee ka dhacay isgoyska Ex koontorol ee magaalada Muqdisho.

Cali Maxamuud Raage, Afhayeenka guud ee Al-Shabaab ayaa sheegay in qaraxaas ay iyagu ka danbeeyeen isla markaana ay la beegsadeen saraakiil Turkish ah iyo wax uu ku sheegay maleeshiyaad Soomaali ah.

Afhayeenka Ururka Al-Shabaab ayaa qiray in dad shacab ah ay wax yeelo ka soo gaartay qaraxaas, kuwaas oo uu  sheegay inay goobta marayeen.

Al-Shabaab ayaa looga bartay inay ka aamusaan qaraxyada ay dadka badan ku laayaan hase ahaate waa markii ugu horaysay qarax nooc ah ay Al-Shabaab sheegtaan.

Hay’ada NISA ayaa maanta sheegtay in qaraxii maalin kahor ka dhacay Ex-control Afgooye ee Magaalada Muqdisho ay ka dameeyeen dowlado shisheeye.

Qaar kamid ah Siyaasiyiinta Somalia ayaa qoraalka Hay’ada NISA ku tilmaamay mid Al-Shabaab looga leexinayo eeda Xasuuqa dadka shacab loo gaystay.