Balcad-Ayaamaha-Wararka aan ka heleyno deegaanada u dho dhow degmada Balcad ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalad cabsi ah ay ka taagneyd degmadaas, kaddib markii la sheegay in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo aad u fara badan lagu arkay inta u dhaxeysa Balcad iyo Muqdisho.

Wararka waxaa ay sheegayaan in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa soo buuxiyay deegaano u dhaxeeya Muqdisho iyo Balcad, deegaanada lagu arkay Shabaabka ayaa waxaa ka mid ah deegaanka Caliyaale, Hiilweyne, iyo deegaano kale.

Al-Shabaab ayaa mar kale waxaa ay qarka u saaran yihiin inay jaraan wadada isku xirta Muqdisho iyo Balcad oo aanay horay weeraro ugu dhici jirin, balse weerarkii shalay uu ka dhashay su’aalo kala duwan oo ku aadan mustaqbalka wadada dheer ee Muqdisho iyo Jowhar.

Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Muqdisho waxaa uu isu jiraan dhowr KM, waxaana Balcad ka mid aheyd degmooyinkii u horeeyay ee Al-Shabaab laga saaro blase Mudooyinkii dambe ayaa Al-shabaab waxaa ay isku dayayaan inay xiraan Wadada u dhaxeysa Muqdisho ilaa Jowhar.