Muqdisho-Ayaamaha-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa amar ku hakiyey fulinta heshiis maanta Muqdisho ay ku kala saxiixdeen wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Howlaha Guud iyo Duqa Muqdisho kaasi oo ku kacaya 112 Milyan oo dollar

Mashruucan Kheyre joojiyey ayaa qorshahiisu yahay in lagu dhiso magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo iyo Garowe, ayada oo magaaladiiba ay heleyso 28 milyan oo dollar.

“Iyada oo la tixraacayo amar ka soo baxay ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda, waxaa la hakiyay Mashruuca Horumarinta Dowladaha Hoose ee magaaalo madaxyada dowlad goboleedyada oo ay saaka kala saxiixdeen wasiirka maaliyadda iyo qaar kamid ah wasiirrada maaliyadda dowlad goboleedyada.” Ayaa lagu yir qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Heshiiskan ayaa aad uga carroodeen dadka kasoo jeeda deegaanada Galmudug iyo HirShabelle, oo aan mashruucan waxba laga siin, ayada oo aan la aqoon sababta looga reebay.

Kheyre ayaa laga yaabaa sababta u xakiyey heshiiskan in lacagta 112-ka milyan ee dollar uu damacsan yahay in wax laga siiyo labadan maamul ee laga tagay.