MUQDISHO-AYAAMAHA-Jabuuti waxa ka socda kacdoon Shacab, Shacabkan ayaa ka gadooday kadib markii uu muqaal aad u naxdin badan xabsiga dhaxdiisa uu ka soo Duubay wiil duuliya ahaa oo lagu dhex ciqaabayay Musqul dhaxdeeda.

Duuliyaha wuxuu sheegay in Dawlada Jabuuti ku Riday musqushan Laguna dhex Ciqaabo 24-saac.

Magaalada Jabuuti Ee Caasimada Jabuuti ayaana Dad ka carooday Falkaasi ay Iskugu soo baxeen iyagoo dalbanayey in lasii daayo.

Muuqaalka uu iska soo duubay ayaa dad badan ay ka argagaxeen isagoo sheegay in wax walbo oo ku dhacay uu ku ilaawi doono Wanaagii uu Dalkiisa iyo Dadkiisa Jabuuti usoo sameeyey.

Ilaa hadda ma jirto war kasoo baxay Dawlada Jabuuti oo ay kaga hadleyso Banaanbaxa iyo Muuqaalka uu Duuliyahaasi soo duubay Ee Baraha Bulshada qabsaday.