DEG DEG:-CC Shakuur Oo Shacabka Weydiistay Lacag Uu Ku Galo Ololaha Doorashada.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa waxaa uu sheegay in Xisbigiisa uu weydiinayo shacabka Soomaaliyeed taageero dhaqaale.

C/raxmaan C/Shakuur oo muuqaal iska duubay ayaa waxaa uu sheegay in Xisbigiisa uu shacabka Soomaaliyeed weydiisanayo taageero dhaqaale oo ay ku galaan ololaha doorashada dalka ka dhacaya.

Waxaa uu sheegay Siyaasiga in shacabka aysan marnaba ka maarmin oo ay u baahan yihii, isla markaana waxaa uu caddeeyay in arrintaan ay u soo bandhigeen, si looga gudbiyo in dalal shisheeye ay weydiistaan lacag ay ololala doorashada ku galaan.

Isaga oo sii hadlaayay C/raxmaan C/Shakuur ayuu ayaan darro ku tilmaamay in xiliyada doorashada taageero dhaqaale iyo garab la weydiisto dowladdo Shisheeye, wuxuna sheegay in haddii lagu doorto aad maxbuus u ahaan doonto dalalkii ku taageeray.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu Musharax Madaxweyne C/raxmaan C/Shakuur ugu baaqay inay caawiyaan oo ay ku deeqaan wax kasta oo ay awoodan, isagoo shacabka ka rajeeyay inay taageeri doonaan isaga iyo Xisbigiisa Wadajir.

“Si looga gudbo gacan hoorsi ajnabi iyo talada uu shisheeye nala yeesho, ayuu ololaha doorashadeenna si toos uu shacabka Soomaaliyeed u waydiisanaynaa taageero dhaqaale. Waxey rajeyneynaa in aad farriintan si togan uga falcelin doontaan” ayuu yiri Musharax C/raxmaan C/Shakuur Warsame.