DHUUSAMAREEB-AYAAMAHA-Ciidamada Dowlada Faderaalka Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa goordhaw gacanta ku soo dhigay askari ka tirsan Militeriga Soomaaliya oo qof shacab ah saaka ku dilay gudaha Magaalada.

Askarigan ayaa markii uu dil geystay baxsaday,waxaana uu ku dhuumaaleysanaye qeybo kamid ah Magaalada Dhuusamareeb.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada ammaanka ayaa ii xaqiijiyey qabashada askarigan dil u geystay qofka rayidka ahaa.

Ma jiro ilaa iyo haatan warar sugan oo la xiriiro sababta dilka keentay, hasa haate dad ka agdhawaa ninka la dilay iyo askari dilka geestay ayaa ii sheegay in ay murmeen,muran kadibna uu sidaasi dilka ku dhacay.

Magaalada dhuusamareeb ayaa tan iyo markii gacanta dowlada gashay waxaa ay aheed mid joogta ka noqota dilal rayidka loo geesanayo.