Wararka ka imaanayaa Magaalada Moqdishu gaar ahaan weerarkii xalay lagu qaaday Hotel    Almukarama iyo Hilaac UK ayaa waxay sheegayaan in Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hadda ku guuleystay in ay soo Afjaraan Weerarka ay xalay Alshabab ku qaadeen Hotel Maka Almukarama iyo Hilaac UK.

Weerarka ayaa qaaatay mudo 13 sacadood ah waxaana  hada lagu soo waramayaa in Gabi ahaanba lasoo afjaray oo ay Ku guulaysteen Ciidanka Nabad sugidda Soomaaliya.

Qaar kamid ah saraakiisha ciidamada ee ku howlanaa howlgalka ayaa shaaciyay in hal ruux oo ka tirsanaa Al Shabaab ay muddo ku qaadatay inay ka saaraan dhismaha dadka rayidka ay deganaayeen oo ku dhow maqaayadda Hillaac UK.

Ciidamada amaanka, ayaa shacab farabadan ka soo badbaadiyay dhismayaasha; maka Al-Mukarama, Hilaac UK, Wardheere iyo guri ay daganyihiin qoys oo lagu magacaabo Shideeye, sidoo kale waxaa jira meydad ku hoos ira dhismayaasha dumay, kuwaas oo aan wali la gaarin.

Uga yaraan 20 qof ayaa ku dhimatay weerarkii xalay ka dhacay Muqdisho, waxaana dhaawacyo badan la dhigay isbitaalada Erdogan iyo Madiina ee magaalada Muqdisho.