Muqdisho-(Ayaamaha)-Wararka aan ka helayno degmada Hiliwaa ee gobalka Banaadir ayaa sheegaya in goordhow uu ka kacay dab xooggan wershad ku taal dhabarka dambe Suuqa degmada Hili-waa.

Sida aan wararku ku helnay dabkaan ayaa waxaa uu ka kacay Wershadda samaysa Isbuunyada ee lagu magacaabo Tanaad kuna taalla degmada Hiliwaa ee gobalka Banaadir.

Dad ku dhow dhow Warshada dabka uu ka kacay ayaa xaqiijiyay in dabku uu qabsaday qeyb ka mid ah xarunta Shirkadda kadibna uu ku faafay qeybo kale oo ka mid ah Wershadda isbuunyada ee Tanaad ee ku taala Magaalada Muqdisho.

Wixii warar ah ku soo kordha wan idin soo gudbinaynaa insha allah.