Kooxo hubeysan oo watay gaari nooca raaxada ah ayaa xiligii salaada maqrib ee caawa dad shacab ah ku laayey xaafada Kaabo Godey qeybta degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in dableyda oo watay qoryaha darandooriga u dhaca ee Ak-47 ay rasaas ooda kaga qaadeen dad badan oo fadhiyey goob maqaahi ah oo ku taalla Jidcadde ku yaalla Xaafada Godey.

Inta la xaqiijiyay 5 qof ayaa dhimatay 6 kalena waa ay ku dhaawacantay dib markii Koox hubeysan ay weerar ku qaadeen dad Shacab ah oo ku sugnaa Suuqa Kaawo Godey ee degmada Wadajir.
Maamulada degmooyika Wadajir iyo Dharkeenley ayaa goobta gaaray Waxaana Isku soo baxay Dadka Degaanka.

Sababta ka dambeysay in dadka Shacabka ah la laayo ilaa iyo hadda si rasmi ah looma xaqiijin karo, waxaana taasi ay cabsi weyn ku abuurtay dadka degaanka, waxaana goobta ka baxsaday Kooxdii dilka geysatay.