Afgooye-(Ayaamaha)-Wararaka naga soo gaaraya Degmada Afgooye ee Gobolka shabeelada hoose ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada Dowladda ay soo faarujiyeen dhowr tuulo oo u dhaw Degamada Afgooye ee Gobalka Shabellaha Hoose,iyagoona soo dhoobtay Fariisimaha Mukeyga ay ku leeyihiin .

Dadka Degan Deegaanadas aya sheegaya in rasaas xoogan laga maqlayaa Tuulada Bangalay ee Duleedka Degamadasi ,taas oo udhexaysa Alshabab iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Ilaa iyo hada lama oga ,sababta ka Dambeysay in ay Ciidamadan isaga soo baxaan Deegaanada ku dhaw degmada Afgooye,balse dad xog ogaal ah ayaa kuwaramaya in ay soo faarujiyeen Fariismahooda mishaar la’aan darteed.