DEG DEG:- Dagaal Xoogan oo dhowr jiho ah oo goor dhow ka qarxay Guriceel iyo.

Wararka Gudaha iyo Dibbada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dagaal xoogan oo u dhexeeya Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Galmudug iyo Ciidamada Ahlusunna Waljamaaca ayaa goor dhow ka qarxay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, sida ay sheegayaan wararka aan halkaas ka heleyno.

Dagaalka ayaa xoogiisa haatan ka socda dhinaca waqooyi ee Guriceel, waxaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan oo la maqlayo dhawaqa rasaasta dhaceysa iyo qoryaha laga rido hubka Cul Culus.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda ay qaadeen dagaalka, isla-markaana ay dhowr jiho ka weerareen magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in xaaladdu ay cakiran tahay, isla-markaana uu jiro khasaare ka dhashay dagaalkaasi, walow  la xaqiijin karin inta uu gaarsiisan yahay.