BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Dagaal xoogan ayaa goor dhow ka qarxay gudaha degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu u dhexeeyo ciidamo uu wato guddoomiyaha Buulo-Burte iyo ciidamada Booliska saldhigga degmadaasi.

Rasaasta ay is-weydaarsanayaan labada dhinac ayaa laga maqlayo deegaano ka baxsan Degmada.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in weli dagaalku uu socdo, islamarkaana uu jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay.

Weli lama oga waxa sababay dagaalkan, iyadoona haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Dadka ku sugan degamada Buulo-burte ayaa waxaa soo wajahday cabsi xoogan, iyadoo Al-shabaab ayna ka dheereen agagaarka degmada, wallow dadka ay ku adagtahay in ka xaqaan magaalada.