JABUUTI-AYAAMAHA-Sida aan xogta ku helnay, dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hor-timid ereyao dhowr ah oo ku qoran war-murtiyeedka, taasi oo wax u dhimeysa madax-banaanida dalka. Ereyadaas ayaa waxaa ka mid labada dal, labada shacab, iyo Soomaaliya iyo Somaliland, iyo arrimo kale.

Agaasimaha warfaafinta Villa Somalia Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa qoraal uu isna soo saaray oo kooban ku yiri “Laba arrimood ayaa rabaa inaan halkan ka caddeeyo.

1. War-murtiyeedka lagu faafiyay baraha bulshada maha mid rasmi ah. Wali waa laga shaqeynayaa si qoraal la isla ogol yahay usoo baxo.

2. Wadahadallada waxay u dhaxeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ee maha wada hadal Soomaaliya-Somaliland u dhaxeeya sida warbaahinta qaar ay qoreyso.”

War-saxaafadeedka ayaa ah mid sax ah oo aan la been abuurin, waxaana saaran shaabadda wasaaradda arrimaha dibedda Jabuuti, hase yeeshee Cabdinuur ayaa Caasimada Online u sheegay in la bahaiyey ayada oo aysan ogolaan ama aan lagala tashan dowladda Soomaaliya.

Illaa iyo hadda ma cadda sida qoraalka ku baahay, iyo cidda ka dambeysa in ayada oo dowladda federaalka aysan ogolaan la baahiyo. Si kastaba, wasaaradda arrimaha dibedda maamulka Somaliland ayaa war-saxafadeedka soo dhigtay barteeda twitter-ka, taasi oo muujineysa inay ku qanacsan tahay.

 

 

Waxaa hadda la filayaa in lasoo saaro war-murtiyeedka kale, balse ma cadda sida Somaliland ay kaas raali uga noqon doonto. Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay jawaab rasmi ah kasii saarto arrintan.