Deg-deg; Dhallinyaro kasoo goosatay tababarka Eretrea oo warbaahinta la hadashay

13

Qaar ka mid ah dhallinyaradii tababarka loogu qaaday dalka Eretrea ayaa soo gaaray Soomaaliya, iyagoo sheegay inay tacaddiyo fara badan kala kulmeen halkaas.

Dhallinyaradan oo ay ka muuqatay diif badan iyo argagax oo Magaalada Garoowe ugu warramay Taleefishinka Puntland ayaa sheegay in markii laga qaadayay loo sheegay in la geynayo dalka Qadar balse laga dejiyay Eretrea.

Dhallinyaradan soo gaaray dalka oo ku dhow tobaneeyo ayaa dhammaantood ahaa Rag ayaa waxay sheegeen in markii dalka laga qaadayay ay ahaayeen 5,500 oo arday u badnaa.

Raggan ayaa sheegay inay qaar badan oo ka mid ihi si ula kac ah u laayeen ciidanka Eretrea kuna sheegeen in ay kasoo dhaceen buurihii lagu tababarayay, qaar kalena ay dhexda kusoo dhinteen.

Waxay sidoo kale sheegeen inuu dhowr jeer u yimid Madaxweyne Farmaajo balse uusan waxba ka qaban rafaadka ku haystay xerooyinka ay ku tababaranayeen, halkaas oo ay sheegeen in lagu jir dilay silic badanna ay kala kulmeen.

Dhallinyaradan ayaa ugu mahad celiyay masuuliyiinta soo dhoweyntii ay u sameeyen, waxanay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeen in loo istaago u doodista walaalahooda ku maqan Eretrea oo ay qaarkood ku dhinteen.

Hadalka dhallinyaradan ayaa kusoo beegmaya xilli ay maanta magaalada Muqdisho hareeyeen dibad baxyo looga soo horjeedo dhallinyarada ku maqan tababarkan oo la sheegay in wiilashooda lagu laayay gobolka Tigree ee dalka Itoobiya.