Muqdisho-(Ayaamaha)-War goordhow Naga soo gaaray Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay sheegayaan in gudaha degmadaas lagu dilay Nin Shacab ahaa.

Dilkan ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafad ka tirsan degmadaas,isla markaana ay fuliyeen kooxo hubeysnaa Bastoolado,iyadoo goobta uu falka ka dhacay ka baxsady.’

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxay sheegayan in Ninka la dilay uu ku sugnaa meel ku dhow Saldhiga Degmada Kaaraan,hayeeshee lagu furay rasaas xoogan,kaasi oo ugu dambeyn goobta uu ku geeriyooday.

Ciidamo Booliska maamulka Degmada Kaaraan ayaa tegtay halka uu falkan ka dhacay,iyagoo halkaas ka wada baaritaano kala duwan.

Meydka Ninka la dilay ayaa waxaa goobta ka qaaday dad shacab ah oo xiligaas ka Agdhawaa.