MUQDISHO-AYAAMAHA-Daqiiaqdo kahor ayaa Kooxo ku hubeysan Bastoolado waxaa ay gudaha Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ku dileen Askar ka tirsan Ciidanka dowladda gaar ahaa qeybta Canshuuraha.

Dilka ayaa sigaar ah waxaa uu uga dhacay meel ku dhow Masjidka Irshaad ee Kaaraan, waxaana la toogtay laba Askari oo ka tirsanaa Ciidanka Minishiibiyada xili ay ku jireen goob lagu gooyo boonada Gaadiidka  Carro-gediska.

Wararku waxaa ay sheegayaan in raggii dilka geystay ay goobta  uga baxsadeen si deg deg ah, isla markaana waxaa sida caadada aheyd daqiiaqdo kadib goobta tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo qaaday Meydadka Askarta.

Xiliyada qaarkood Muqdisho waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo geystaan rag dhalinyaro ah oo ku hubeysan Bastoolado, kuwaasi oo falka kadib goobta ka baxsada.