War Goordhow naga soo gaaray Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan ay ku dileen Nin Oday ah oo la sheegay in uu ahaa Ganacsade.

Goob joogiyaal ku sugan Suuqa degmada Xamarweyne ayaa waxaa ay  sheegeen in Ninka Odayga ah lagu dilay Gaari uu ku iibinayay Dharka loo yaqaano Huudheyda oo ku taalla Agagaarka Afar-irdoodka Xamarweyne.

Dadkii falkan dilka ah ka dambeeyey ayaa goobta ka baxsaday,waxaana weli la ogeyn waxa uu ahaa Ninkaas marka laga soo tago in uu ka Ganacsado dharka huudheyda iyo dadka ka dambeeyey dilkiisa.

Ciidamo Booliska degmada Xamarweyne ayaa haatan gaaray goobta uu dilka ka dhacay,kuwaas oo baaritaano ka wada.