Muqdisho-Ayaamaha-Dowlaadda Fidiraalka Soomaaliya aya fasaxday diyaaradihii kaadi jiray ama ka imaan jiray magaalada Kismaayo waxaana diyaaradii u horeysay oo rakaab ah oo ka timid Muqdisho ayaa ka degtay garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Dowladda Federaalka ay xayiraad saartay diyaaradaha aada Kismaayo, tan iyo 23-kii bishan wax duulimaad ah oo rayid ah kama degin Kismaayo, marka laga reebo diyaaradaha gargaarka ee UN-ka iyo kuwa Ciidamada u sida Sahayda iyo saanada.

Dhowr diyaaradood ayaa maanta ka dagay garoonka diyaaradaha Kismaayo, iyadoo duulimaadyadii Muqdisho iyo Kismaayo ay dib u bilowdeen.

Muddo shan cisho ayaa waxaa hakad ku jiray duulimaadyadii Kismaayo, kaddib markoo dowladda Federaalka ay xayiraad ku soo rogtay, si ay u hor-istaagto caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland.