DEG DEG:- Fahad Yaasiin oo waxba kama jiraan ku tilmaamay 48 sacadood ee u qabtay Ra’iisul wasaare Rooble.

MIQDISHO-AYAAMAHA-Taliyaha hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yasin Xaaji Dahir ayaa kasoo jawaabey dalabkii Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee ahaa inuu 48 saac ugu soo jawaabo warbixin dhameystiran oo laga keeno dilkii Ikraam Tahliil.

Qoraal uu Fahad Yaasiin uu u diray Ra’iisul-wasaare Rooble ayuu ku sheegay inuu doonayo in warbixinta uu dalbaday Rooble uu ka horjeedin doono shir ay goobjoog ka yihiin Golaha Amniga Qaranka oo wad adhan.

Golahan waxaa xubno ka ah; Madaxweynaha, Ra’iisul Wwasaaraha, Taliyayaasha Ciidamada, Wasiirrada Amniga iyo Gaashaandhiga, iyo Madaxda Maamul-goboleedyada.

Fahad ayaa qoraalkiisa ku yiri “Anagoo fulinayna amarkaaga, maanakana ku hayna xasaasiyadda kiiska ssarkaal Ikraan Taliil oo noqotay mid heer qaran, gudanayna waajibka naga saaran amniga qaranka, fahansanna in dhacdadaan ay si toosa iyo si dadban u khuseyso xafiisyo iyo hay’ado kale duwan oo dowladda ka wada tirsan, xaqna u leh inay ogaadaan xaqiiqda dhacdadaan iyo xogta ay xambaarsan tahay warbixitaan aad naga dalbatay, ayaan waxaan si sharaf leh kaaga codsanaynaa in aan warbixintaan ka horjeedino Golaha Amniga Qaranka oo wada dhan, oo ay xubno ka yihiin hay’addaha iyo xafiisyada ay arrintan khuseyso.”

Fahad Yaasiin ayaa qoraalkiisa sii raaciyay oo yiri “Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranku waxay codsi rasmi ah u dirtay madaxweynaha Jamhuriga Federaalka Soomaaliya inuu fursad noo siiyo qabsoomidda shirka Golaha Amniga Qaranka, maadama uu yahay guddoomiyaha Golaha Amniga Qaranka, iyo Taliyaha Ciidamada Qalabbka Sida.”

Fahad ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in macluumaadka la xiriira kiiska Ikraan Tahliil uu la wadaago Golahan, halkaasina lagu gaaro go’aanno.